Tababaraha Aston Villa Oo Qirtay In Uu Ka Cabsanayo Anrea Onana, Sabab.

Tababaraha Aston Villa Unai Emery ayaa Andre Onana u doortay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Man United ka hor kulanka Red Devils ee Axada.

Sida laga soo xigtay tababaraha reer Spian Onana aad ayuu ugu fiican yahay ciyaarta dhisitaanka sidaa darteed waa in la joojiyo si loo carqaladeeyo habka Man United.

Waxa uu yiri: “Waa inaan isku daynaa inaan joojino iyaga (United), anaga oo ku bilaabayna Goolhayaha sababtoo ah dhismihiisa waa mid cajiib ah, daafacyadooda dhexe waxay jecel yihiin inay ciyaaraan, dhisaan oo ay xakameeyaan kubada, iyagoo isku dayaya inay isku dhafka wanaagsan garoonka dhexdiisa ku sameeyaan”.

“Luke Shaw aad ayuu halis u yahay, Diogo Dalot waxa uu ku jiraa waqti fiican, Casemiro waa ciyaartoy aad muhiim ugu ah iyaga, waxa ay haystaan ​​garabyo iyo weeraryahano aad u fiican, taasina waa walaacayga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga