Didier Deschamps Oo Ku Digtay Daafaca Arsenal Ee William Saliba

Tababaraha France Didier Deschamps ayaa dhaleeceeyay xiddiga Arsenal William Saliba isagoo ilaa hadda ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho kulamada xulka qarankiisa.

In kasta oo uu noqday mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican Premier League muhiim-na u noqday kooxda Mikel Arteta 23-sano jirkaan ayaan wali qaab ciyaareedkaas kusoo bandhigin masraxa caalamiga ah.

Saliba ayaa kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay xulka qaranka bishii March 2022 kulan ay la ciyaareen xulka Ivory Coast kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Marseille oo uu amaah kula joogay.

Daafaca Arsenal ayaa tan ilaa wakhtigaas u ciyaaray xulkiisa 4 kulan ay la ciyaareen xulalka German, Greece oo ka kala tirsanaa Nations League iyo is reeb-reebka Euro-da.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id Isniintii, Deschamps ayaa qiray qaab ciyaareedka Saliba ee Arsenal, laakiin wuxuu dhaleeceeyay bandhigiisa heer caalami, wuxuu yiri: “Waxa uu ku jiraa xilli ciyaareed wanaagsan, laakiin sidoo kale wuxuu sameeyaa waxyaabo aanan jeclayn”.

“Xulka France si joogto ah uguma ciyaaro laakiin marka uu fursad helo si fiican uma ciyaaro”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga