Dhirbaaxo: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Man City Ka Hor Kulanka Arsenal.

Daafaca Manchester City Manuel Akanji ayuu dhaawac soo gaadhay intii uu ku guda jiray waajibaadka xulkiisa Switzerland iyada oo kooxdiisu la ciyaari doonto Arsenal Axada.

Switzerland ayaa caawa kulan saaxiibtinimo kula ciyaaraysa Ireland magaalada Dublin iyadoo Akanji uu dhaawac ku seegayo kulankaas.

28-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday dalkiisa 16-kii kulan ee ugu dambeeyay laakiin caawa kuma jiri doono kooxda.

Dhaawaca ayaa laga yaabaa in uu shaki galiyo taam ahaanshaha Akanji ee kulanka Arsenal ee Axada.

Qeybta dhexe, oo kooxda heysata horyaalka kaga soo biirtay Borussia Dortmund 2022, ayaa fure u ah Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, isagoo ku soo bilowday 19 ka mid ah 28 kulan oo horyaalka ah.

dhaawaca ayaa timid maalmo uun ka dib markii Kyle Walker lagu qasbay inuu dhaawac uga boxo kulankii saaxiibtinimo ee xulka England la ciyaaray xulka Brazil.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga