Dhribaaxo: Xiddig Muhiim U Ah Man City Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Arsenal.

Xiddiga Manchester City Ederson ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa afar isbuuc ka dib dhaawac lugta ah, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka weyn ee Arsenal dhamaadka March.

Ederson ayaa dhaawac ka soo gaaray qeybtii labaad ee ciyaarta xiisaha badan ee City ay 1-1 la gashay Liverpool Axadii.

Goolhayaha ayaa u muuqday mid naftiisa dhaawac u geystay markii uu qalad ku galay Darwin Nunez kaas oo sababay rikoodhadii ay ku bar-baray Liverpool.

Waxaa lagu bedelay Stefan Ortega, waxaana ciyaarta ka dib Pep Guardiola xaqiijiyay dhaawac soo gaadhay Goolhayaha 30 jirka ah.

Waxaa hadda la soo wariyay in Ederson uu ka maqnaan doono garoomada 3 ilaa 4-ta todobaad ee soo socda taasoo la micno ah inuu hubaal ahaan doono inuu seego kulanka sabtida ee wareega 8da FA Cup ee u dhaxeeya kooxda heysata City iyo Newcastle United.

Laakiin dhibaatada ugu badan ee Citizens, dhaawaca Ederson ayaa la macno ah inuu seegi doono kulanka muhiimka ah ee ay Man City la ciyaari doonto Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga