Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamadii 28-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Arsenal, chelsea iyo Man United ayaa dhamaantood gaadhay guulo muhiim u ah tartanka ay ku jiraan.

Dhinaca kale Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa bar-baro ku heshiiyay iyaga oo hogaanka u baneeyay kooxda Arsenal.

Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.

Kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig.

Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh 2 xiddig kadib markii ay hogaanka la wareegeen.

Kooxaha Man City, Liverpool, Chelsea, Aston Villa iyo Man United ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig.

Garth Crook's Team of the Week graphic

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga