Hordhac: Arsenal Vs Fc Porto: Gunners Oo U Baahan Guul Si Ay Ugu Gudubto Wareega Xiga Ee UCL

Kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u baahan kuna qasban in ay badiyaan si ay ugu gudbaan wareega 8 dhamaadka champions League.

Dhinaca kale Kooxda Fc Porto ayaa u baahan kaliya bar-baro ama badis si ay ugu gudubto wareega 8 dhamaadka kadib markii ay garaaceen Arsenal kulankii lugta hore.

Kulanka: Arsenal Vs Fc Porto

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay dhamaan 3-dii kulan ee ay la ciyaartay Fc Porto kuna ciyaartay garoonkeeda tartamada oo dhan iyaga oo ku badiyay cel-celis ahaan 11/0  iyada oo guushii ugu dambaysay ahayd mid 5/0 ah oo ay kaga gaadhay Emirates March 2010.

Kooxda Fc Porto ayaa badisay kaliya Hal kulan 23-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen kooxaha Premier League, guushaas ayaa timid April 2021.

Arsenal ayaa laga reebay tartanka 9 kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee champions League ee laga badiyay lugta hore si kasta ha ahaatee guusha kaliya ee ay gaadhay ayay ka gaadhay Fc Porto xilli ciyaareedkii 2009/2010.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga