DEG-DEG: Liverpool Oo Si Rasmi Ah Ugu Soo Baxday Champions League.

Kooxda Liverpool ayaa u soo baxday champions League xilli ciyaareedka dambe.

Reds ayaa xaqiiqsatay booskeeda wareega Group-yada tartanka xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Klopp ayaa u soo baxday tartanka kadib markii ay Arsenal garaacday kooxda Tottenham.

Liverpool oo uu hogaamin doono tababare cusub xilli ciyaareedka dambe ayaa ka qayb gali doonta tartanka.

Reds ayaa ka maqnayd tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay ku dhamaystay meel ka baxsan boosaska loogu soo tartanka.

Laakiin xilli ciyaareedka dambe Reds ayaa ku soo laaban doonta tartanka ay ku guulaystay 6 jeer taariikhdooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga