Dib U Eegid: Arsenal Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Laga Dhigay Premier League 7 Sano Ka Hor.

Kooxda Arsenal ayaa sii wada qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa garaacday kooxda Tottenham kulan ka irsanaa horyaalka premier League.

Kadib guusha ay Arsenal ka gaadhay Tottenham waxa ay dhigtay rikoodh horyaalka ay ugu dambaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2016/2017.

Arsenal ayaa horyaalka ka dhalisay 16 gool oo kubadaha karooska ah laga dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed waa kooxdii ugu horaysay ee horyaalka premier League tan ilaa 2016/2017 ka dhalisay goolasha ugu badan ee madaxa ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga