Carlo Ancelotti Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Zidane Bar-Bareeyay.

Guushii Las Palmas, Carlo Ancelotti ayaa haatan diiwaan geliyay 124 guul oo La Liga ah oo uu Ka gaadhay labadii jeer ee uu hogaamiyay kooxda Real Madrid xirfadiisa ciyaareed.

Waxa uu sidoo kale barbareeyay rikoor uu Zinedine Zidane ka dhigay Real Madrid wakhtigiisii uu tababaraha u ahaa Real Madrid.

Ancelotti ayaa bar-bareeyay rikoodhka guulaha ugu badan ee horyaalka La Liga ee kooxda Barcelona.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in uu Ancelotti rikoodhka ku gaadhay 174 kulan waana in ka yar intii uu Zidane ku gaadhay Rikoodhka.

Zidane ayaa u baahday 257 kulan si uu u gaadho rikoodhka guulaha ugu badan ee La Liga kooxda Real Madrid oo dhan 124.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga