DEG-DEG: Gabriel Magalhães Ka Dhaawacmay Arsenal Lagana Saaray Waajibaadka Xulka Brazil.

Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga Gabriel Magalhães kaas oo dhaawac soo gaadhay ka hor kulamada caalamiga ah.

Xiddigaha kubada cagta adduunka ayaa aadaya dalalkooda iyaga oo ka qayb qaadan doona waajibaadka xulalkooda.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sami Mokbel, xiddiga Gabriel Magalhães ayaa laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Brazil.

Gabriel Magalhães ayaa lagu soo waramayaa in uuna dhaawaciisu ahayn mid halis ah laakiin laga saaray xulkiisa.

Xiddiga Gabriel Magalhães ayaa laf dhabar u ah kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga