WARBIXIN: 4 Sabab Oo Ay Arsenal Ugu Guulaysan Karto Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Markii ugu horeysay muddo 14 sano ah, Arsenal ayaa u soo baxday wareega 8da ee tartanka UEFA Champions League.

Waxay ahayd waddo dheer oo adag oo ay kooxdu u soo martay in ay gaadho marxaladaha damb ee tartanka waana arin ay doonayeen taageerayaashoodu.

Laakiin dhab ahaantii ma ku guuleysan karaan Champions League sanadkan? Waxaan eegnay sababta ay u awoodaan.

1.Gooldhalintooda Fiican:

Tan iyo dhamaadkii bishii January Arsenal waxay ku guuleysatay inay dhaliso 34 gool kaliya 10 kulan oo ay ciyaartay.

Xisaabta fudud ayaa kuu sheegaysa in celcelis ahaan 3.4 gool ciyaartiiba.

Marka aad celcelis ahaan ka badan tahay saddex gool ciyaartii, fursadaha ayaa ah inaad badiso kulamada ugu badan.

2.Dib U Soo Noolaanta Kai Havertz:

Isagoo ka ciyaarayay khadka dhexe horaantii xilli ciyaareedka, Kai Havertz wuxuu u muuqday mid ku dhibaatoonaya Arsenal.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa ku dhibtoonayay goolal iyo caawinaad, waxaana uu ku dhibtooday inuu sameeyo wax kasta oo wanaagsan si uu u caawiyo kooxdiisa.

Hadda oo loo adeegsado weerarka beenta ah Havertz wuxuu dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Havertz shantii kulan ee ugu dambeeyay ee uu dhaliyay shan gool ayaa keentay in jamaahiirta Gunners ay rajo ka qabaan in uu weerarka ku hogaamin karo isla markaana uu wax ku soo kordhin karo kulamada Champions Leaque-ga ee kooxda.

3.Daafac dhexe oo heer caalami ah:

Si la mid ah in ay dhaliyaan goolal badan Arsenal ayaan sidoo kale laga dhalinayn goolal badan.

Isla mudadaas oo ay dhaliyeen 34, Gunners ayaan laga dhalin goolal badan.

Qaab ciyaareedkooda cajiibka ah ee dhinaca daafaca waxa ka dambeeya xiddigaha William Saliba iyo Gabriel Magalhaes kuwaas oo ah door weyn ka ciyaaraya qaab ciyaareedka Arsenal.

4.Tababaraha:

sidii aan Aragnay kulankii ay Atletico Madrid champions League ka reebtay Inter, tababarayaasha heerka sare ah waxa ay kooxdooda ku dhiiri galiyaan in ay kulamada badiyaan.

Hal-abuurka taatiko ee Arteta ayaa sabab u ahaa guulaha Arsenal, Haddii uu sii wadi karo hal-abuurnimada iyo inuu la yimaado habab cusub oo uu ku garaaco kooxaha, markaa ma jirto sabab ayna ugu guulaysan karin champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga