DAAWO :- 🚨 Sidee Warbaahinta Caalamka uga hadashay soo dhaweyntii taariikhiga ahayd ee Mohamed Salah!

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa soo dhaweyntii aan caadiga ahayn ee taageerayaasha Trabzonspor u sameeyeen halyeeyga reer Masar Mohamed Salah, ka hor ku biiristiisa rasmiga ah ee kooxda Turkiga.

Waxaa kumannaan taageerayaal ah ay isugu soo baxeen magaalada Trabzon si ay u soo dhaweeyaan Salah, iyadoo warbaahintu ku tilmaantay muuqaalkaas mid taariikhi ah.

Waxa ay warbaahinta caalamku qortay:

  • 🇬🇧 BBC: Trabzonspor ayaa ku guuleysatay saxiixa Mohamed Salah, iyadoo soo afjartay wadaxaajoodkii xiddiga reer Masar.
  • 🇬🇧 Sky Sports: Kooxda Turkiga ayaa qaaday tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay kula wareegaysay Salah isagoo xor ah.
  • 🇬🇧 Mirror: Kumannaan taageerayaal Trabzonspor ah ayaa isugu soo baxay soo dhaweynta “Boqorka Masar”.
  • 🇬🇧 Daily Mail: Taageerayaashu waxay u sameeyeen Salah soo dhaweyn aad u weyn oo aan horay loo arag.
  • 🇬🇧 Liverpool Echo: Mohamed Salah ayaa ugu dambeyn ku biiray kooxdiisa cusub, waxaana la filayaa inuu xirto lambar cusub oo lama filaan ah.
  • 🇪🇸 AS (Spain): Heshiiska Salah ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo kumannaan taageerayaal ahi ay si aan caadi ahayn ugu soo dhaweeyeen magaalada ku taalla xeebta Badda Madow.
  • 🇨🇳 Warbaahinta Shiinaha: Salah ayaa si xor ah ugu biiraya Trabzonspor, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis labo sano ah.
  • 🇷🇺 Warbaahinta Ruushka: Halyeeygii Liverpool ayaa qalinka ku duugi doona heshiis laba sano ah oo uu la galayo Trabzonspor.
  • 🇮🇷 Wakaaladda Fars (Iiraan): Mohamed Salah ayaa ka yaabiyay dunida kubadda cagta kadib markii uu heshiis la gaaray kooxda Turkiga.

Faahfaahinta heshiiska:

  • Mohamed Salah ayaa ka tagay Liverpool dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
  • Wararku waxay sheegayaan inuu Trabzonspor kula heshiiyay qandaraas soconaya ilaa 2028.
  • Mushaharkiisa ayaa lagu qiyaasayaa 17 milyan oo Yuuro inta uu kooxda u ciyaarayo.

Soo dhaweynta Salah ayaa noqotay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo taageerayaasha Trabzonspor ay muujiyeen sida weyn ee ay ugu faraxsan yihiin imaatinkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga