Ciyaartooyo Magdhow Ka Dalbaday Koox Premier League Ah, Man United Oo Sicirka Cadayga Ku Iibinaysa Laba Ciyaartoy, Thomas Muller Oo Kusii Jeeda Premier League Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Weeraryahanka Juventus ee Matias Soule oo waqtigan amaah ugu ciyaara Fiorentina ayaa soo jiidanaya tiro kooxo horyaalka Premier League ah, waxaana tartanka loogu jiro 20 jirkan reer Argentine hoggaanka u haysa Newcastle United. (Gazzetta dello Sport)

Manchester United waxay diyaar u tahay in bisha January ay £26 milyan oo Gini oo kaliya kaga iibiso Juventus labadeeda xiddig ee Jadon Sancho iyo Donny van de Beek. (Sun)

Sir Jim Ratcliffe oo aan wali dhamaystirin hawsha uu kula wareegayo 25% saamiyada Manchester United, ayaa waxa uu doonayaa in uu wada-hadal la yeesho Mason Greenwood oo amaah ugu maqan Getafe, kaddib markii ay kooxdaasi ka xayirtay Carrington. (Caugh Offside)

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Everton ayaa magdhow ka dalbanaya naadigooda haddii ay heerka labaad u dhaadhacdo, kaddib markii uu horyaalka Premier League toban dhibcood ka jaray kooxdaas. (Sun)

Difaaca dhexe ee reer France ee Jean-Clair Todibo oo 23 jir ah, ayaa ay Manchester United qasnaddeeda u jabin doontaa in ay la saxeexato suuqa January. Todibo ayaa u ciyaara kooxda Nice. (Sky Sports)

Madaxweynaha Atletico Madrid ee Enrique Cerezo ayaa sheegay, in weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix uyu dib ugu soo laaban doono kooxda haddii aanay Barcelona si rasmi ah ula wareegin. Felix ayaa dhaliyey goolkii ay Barcelona ku garaacday Atletico xalay. (Goal)

18 jirka khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Kobbie Mainoo ayaa laba-jibbaar looga dhigi doonaa mushaharkiisa oo hadda ah £10,000 Gini usbuucii, waxaana la gaadhsiinayaa £20,000 usbuucii. (Star)

Halyeyga Bayern Munich ee Thomas Muller oo 34 jir ah ayaa lala xidhiidhinayaa Manchester United oo uu waqti kooban tegi doono, kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa Bavaria dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Sun)

Difaaca Spain ee Marcos Alonso waxa uu ogsoon yahay in aanay Barcelona u kordhin doonin qandaraaskiisa oo ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana 32 jirkan uu doonayaa in uu dib ugu laabto horyaalka Premier League ama uu tago waddanka Sucuudiga. (Sport_

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga