Jurgen Klopp Oo Guushii Cajiibka Ahayd Ee Fulham Ku Barbarreeyey Rikoodh Khaas U Ahaa Arsene Wenger iyo Sir Alex Ferguson

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa barbarreeyey rikoodh meel u yaallay Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger, kaas oo uu isaguna noqday macallinkii saddexaad ee horyaalka Premier League looga diiwaangeliyo rikoodhkan qariibka ah.

Guushii cajiibka ahayd ee waqtiga dambe ay Liverpool xaqiiqsata ee ay 4-3 ku garaacday Fulham shalay, ayaa waxa ay kaantay in Jurgen Klopp uu gaadho rikoodh kaliya ay horyaalka Premier League ka haystaan tababareyaashii hore ee Manchester United iyo Arsenal ee Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger.

Wataru Endo iyo Trent Alexander-Arnold ayaa ku suntanaa guushan oo laba gool dhaliyey daqiiqadihii 87aad iyo 88aad iyadoo waqtigaas ay Fulham ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-3, waxaanay Reds mar kaliya natiijada u beddeshay 4-3.

Guushan ayaa ahayd middii 20aad ee Liverpool ay kasoo hoyso horyaalka Premier League sannadkan 2023, waana sannadkii siddeedaad ee xidhiidh ah ee uu gaadho tirada guulahan, taas oo uu kasoo bilaabay sannadkii 2016 oo ahaa sannadkiisii koowaad ee buuxa ee uu layliyo Liverpool.

Arsene Wenger ayaa ah tababaraha ugu badan ee guulaha xidhiidhka ah kasoo hooyey horyaalka Premier League, waxaanay kooxdiisa Arsenal gaadhay 20 guulood iyo ka badan 13 sannadood oo isku-xigay, waxaana ku jira xilli-ciyaareedkii 2003-04 ee iyagoon halmar laga adkaanin ay horyaalka ku guuleysteen.

Sir Alex Ferguson ayaa sidoo kale Manchester United ku hoggaamiyey 20 guulood sannad walba intii u dhaxaysay sannadihii 2005 illaa 2012, waxaana muddadaas ay horyaalka qaadeen afar jeer oo ahayd 2007, 2008, 2009 iyo 2011.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga