DEG-DEG: Tababarihii Ugu Horreeyey Oo Shaqada Laga Eryay Horyaalka Premier League

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa hadda la shaaciyey in shaqada laga caydhiyey tababaraha mid ka mid ah kooxaha dhibaatadu ku habsatay ee ay guuluhu diideen, kaas oo maanta lasoo saaray warqadda shaqada lagaga eryey.

Shan bilood oo uu socday horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa shaqada laga caydhiyey taabarihii ugu horreeyey ee xilli-ciyaareedka 2023/24, kaas oo la filayo in usbuucyada soo socda ay ku xigi doonaan macallimiin kale.

Waxay ahayd toddo baad ay natiijooyin xun-xun keeneen tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag uu cadaadisku saaran yahay, iyo Steve Cooper oo Nottingham Forest ah, laakiin waxa kasoo hormaray oo ay seeftu qaadday Paul Heckingbottom oo ah tababaraha Sheffield United oo Sabtidii ay Burnley ku karbaashtay 5-0.

War-saxaafadeed kooban oo ay soo saartay Sheffield United ayaa lagu sheegay, in ay kooxdu go’aansatay in isbeddel la sameeyo sababtoo ah natiijooyinka aadka u liita, waxaana kooxda dib ugu soo laabanaya Chris Wilder oo hore tababare ugu soo ahaa.

14 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay Sheffield United dheeshay ayay kaliya halmar guuleysatay xilli-ciyaareedkan, waxaanay haysataa shan dhibcood oo kaliya iyadoo laga dhaliyey 39 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga