Way Fiicnayd In Ayna Arsenal U Dhaqaaqin Saxiixiisa

Isagoo la hadlayay talkSPORT, weeraryahankii hore ee Rangers iyo Scotland Ally McCoist ayaa yiri: “Andre Onana ma ahayn wax la mid ah saxiixii uu qof walba u maleeyay markii uu ku biirayay Man United”.

“Laakin ilaa hadda isaga kuma tilmaamayo saxiixa ugu xun xilli ciyaareedkan sababta oo ah waxa xaq u leh Moises Caicedo.”

“Waxa aan arkay dhawr mar garoonka Old Trafford isaga oo ka garab ciyaaraya Enzo Fernandez, aniga ahaan uma qalmo lacagta laga soo bixiyay”ayuu sii raaciyay.

Caicedo ayaa lala xiriirinayay Arsenal waqtigiisii ​​Brighton, gaar ahaan suuqii January 2023 waxana uu Ally McCoist sheegay in ay Arsenal ka badbaaday xiddig aan fiicnayn.

“way fiicnayd in ayna Arsenal la soo saxiixan isaga suuqii January”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga