Bukayo Saka Oo Isha Ku Haya Rikoodh 30 Sano Ka Hor Laga Dhigay Kulanka Norther London Derby

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Arsenal Bukayo Saka ayaa isku dayi doona inuu maro wadadii halyeeyga kooxda ee Ian Wright markii Gunners ay wajaheyso Tottenham Hotspur Premier League North London derby.

Xiddiga da’yarka ah ayaa ah xiddiga ugu Fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan isaga Oo dhaliyay 18 gool 14 kalena bar-baro ka noqday.

Ma jiro ciyaaryahan Gunners ah oo ka goolal badan Saka ololahan hadda socda, inkastoo goolashiisa ay yaraad een dhawaanahan, isagoo kaliya hal gool dhaliyay todobadii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

Saka ayaa caawiyey gool uu dhaliyay xiddiga Havertz bartamihii todobaadka waxana la filayaa in ku billowdo shaxdan Gunners kulanka Tottenham ee maanta.

Kulankii ay Tottenham iyo Arsenal ku kala bexeen bar-baraha 2/2 ah Saka ayaa dhaliyay gool Rikoodhe ah xiddiga Ayaana haatan ku dhaw in uu bar-bareeyo Rikoodh 30 Sano yaala.

Hadii 22-sano jirkaan uu Gool ka dhaliyo kooxda Tottenham waxa uu noqon doona xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliyay labada kulan ee North London Derby tan ilaa 1993/1994 markaas Oo uu Ian Wright sidaas sameeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga