Owen Hargreaves Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Sababta U Ahaa Bar-barihii United La Gashay Burnley

Halyeeyga kooxda Man United Ee Owen Hargreaves ayaa ku dhaleeceeyay xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Casemiro doorkii uu ku lahaa goolkii barbaraha ee Burnley.

Man United Ayaa bar-baro la gashay kooxda Burnley kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier league.

Man United Ayaa ciyaarta ku hogaaminaysay 1/0 gool uu u dhaliyay xiddiga Antony.

Casemiro ayaa isku dayday In uu kubad madax ah u celiyo Goolhaye Andre Onana taas Oo khal-khal ka dhalisay daafaca Man United.

Onan ayaa isku dayday isna in uu iska fogeeyo kubada waxa uu khalad ku galay Xiddig Burnley waxana uu sababay rikoodhe ay Burnley gool u Badashay.

Isaga qiimaynayaa dhacdadii rigoorada, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee United Hargreaves ayaa ku adkeystay in Casemiro uu khalad ku lahaa isla markaas sababay rikoodhada.

“Madaxa ka yimid Casemiro waa wax aan la rumaysan karin, ma garanayo waxa uu ku fekerayo,” Hargreaves ayaa u sheegay Premier League Productions.

“Haa, Onana waa uu Soo baxay laakiin Casemiro ayaa Marka hore khaladka lahaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga