Xaqiiqooyinka Kulanka Adag Ee U Dhexeeya Kooxaha Arsenal Iyo Tottenham.

Kulanka ugu xiisaha Badan Premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Tottenham iyo Arsenal.

Hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal ayaa booqan doona kooxda ay ku xafiiltamaan North London ee Tottenham.

Labada kooxood ayaa isha ku haya in ay guul ka gaadhaan kulanka iyada oo koox walba doonayso ujeedo gaar ah.

Hadaba Halkan Kaga Bogo xaqiiqooyinka kulanka:

Tottenham ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay badiso kulan xiriir ah oo horyaalka ah Spurs markii ugu horeysay tan iyo 1988dii.

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay Arsenal.

Guuldaradii Tottenham ee 4-0 ka soo gaartay Newcastle kulankii ugu dambeeyay ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee Premier League tan iyo guuldaradii 6-1 ee ka dhacday St James Park sanad ka hor.

Guushii Arsenal ee bartamihii isbuuca ay ka gaartay Chelsea ayaa aheyd guushoodii 24-aad ee Xilli ciyaareedkan – waana guushooda ugu weynayd kadib 34 kulan oo horyaalka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga