Barcelona Oo Garaacday Napoli Iskana Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Champions League

Kooxda Barcelona ayaa guul qaali ah ka gaadhay kooxda Napoli iyaag oo kaga badiyay 3/1 kulan ka dhacay Wembley kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Barcelona ayaa ciyaarta la soo gashay shax ay ku jireen: Ter Stegen – Cancelo – Cobarci – Araujo – Kounde – Christensen – Lopez – Gundogan – Yamal – Rafinha – Lewandowski.

Dhanka kale, kooxda Napoli ku ciyaartay shax Meret – Rui – Jesus – Rahmani – Di Lorenzo – Traore – Lobotka – Anguissa – Pugliano – Kvaratskhelia – Osimhen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ku fiicnayd dhanka farsamada waxaana la arkayay weeraro furan oo ay labada kooxood isku qaadayeen gaar ahaan Barcelona oo culays iyo weeraro badan ku qaadayay halka Napoli ay ku tiirsanayd weeraro rogaal celis ah oo halis wayn ku ahaa goolka kooxda martida loo ahaa ee Barca.

Kooxda Barcelona ayaa u suurtagashay in ay dhaliyaan 2 gool oo ay u kala dhaliyeen Fermin Lopez daqiiqadii 15-aad iyo Portugal Joao Cancelo daqiiqadii 17-aad.

Napoli ayaa ku guuleysatay in ay hesho goolkeeda koowaad waxaana u dhaliyay daafacooda Amir Rahmani, daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Napoli ayaa maamulkeeda ku soo rogtay ciyaarta, waxaana ay gebi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta qeybta dhexe ee ciyaarta.

Laakiin Barcelona ayaa gool dhalisay daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Lamine Yamal balse garsooraha ciyaarta ayaa diiday sabab la xidhiidha Offside.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1.

Natiijadaan, Barcelona ayaa si rasmi ah ugu soo baxday wareega 8da ee Champions League xilli ciyaareedka 2023-2024.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga