Arsenal Oo Rikoodhayaal Ku Garaacday Fc Porto Iskana Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Kooxda Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Fc Porto.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal u baahantahay in ay ciyaarta ku soo laabato ciyaarta kadib markii laga badiyay kulankii hore.

Gunners ayaa raadinaysay goolal halka ay Fc Porto dhinaceeda difaacanaysay goolka ay ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 41-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Leondro Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Goolkaas ayaa ciyaarta ka dhigay in ay bar-baro yihiin labada kooxood xilli ayna kooxna guul gaadhin.

Labada kooxood ayaa isla aaday rikoodhayaal waxana ay guushu 4/2 ku raacday kooxda Arsenal iyaga oo iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga