Tababarihii hore ee Arsenal, Arsène Wenger, ayaa sheegay in xulka France uu yahay xulka ugu cadcad inay ku guuleysato Koobka Adduunka sanadkan.
Wenger ayaa aaminsan in kooxda uu hoggaamiyo Didier Deschamps ay ka sarreyso dhammaan kooxaha kale ee ka qaybgalaya tartanka.
Isagoo la hadlayay Le Figaro, Wenger wuxuu yiri:
“Waxaan ka hormarinayaa kooxaha kale. France waxay haysataa tayo aad u badan, Deschamps-na wuxuu leeyahay khibrad weyn.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan leenahay ciyaartoy badan oo weerar ah, khatartuna waa in mararka qaar dheellitirnaanta dhinaca weerarka ay yaraato.”
“Laakiin maanta ciyaaryahanka casriga ah, xitaa haddii uu yahay weeraryahan, wuu garanayaa sida uu uga qayb qaadan karo shaqada difaaca.”
“Marka aad 20 daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta oo barbaro 0-0 ah la joogto France, waad khasaaraysaa ciyaarta. Awoodda ayaa farqiga samaysa.”
France ayaa ku guuleysatay Koobkii Adduunka ee 2018, balse way ku guuldarraysatay inay difaacato koobka sanadkii 2022 kadib markii ay final-ka kaga adkaatay Argentina.
Be the first to comment