Arsenal Oo Soo Bandhigtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn shaacisay saxiixeeda cusub ee Riccardo Calafiori.

Arsenal ayaa Riccardo Calafiori kala soo wareegtay kooxda Bologna waxana uu noqday saxiixii 1-aad ee ay kooxdu samaysay.

Riccardo Calafiori ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogayo kooxda Arsenal.

Xiddiga Riccardo Calafiori ayaa Arsenal ugu soo biiray lacag dhan 42 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga