
Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday inta uu leegyahay heshiiska uu Nassir Mazraoui u saxiixi doono kooxda Man United.
Mazraoui ayaa ku dhaw in uu u saxiixo Man United iyada oo labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga.
Sidoo kale Mazraoui ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United iyada oo haatan United sugayso in ay ku dhawaaqdo heshiiska.
Man United ayaa ka saxiixan doonta xiddiga Mazraoui heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa sanadka 2029.
Sidoo kale United ayaa heshiiska xiddiga ku dartay hal sano oo dheeri ah oo uu saxiixi doono xiddigu.
Mazraoui Ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee ay samaysay Man United suuqa kala iibsiga xagaagan.
Be the first to comment