Arintan Ma La Macno Tahay In Arsenal Ku Guulaysanayso Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa sii wada wacdaraha horyaalka premier League iyaga oo wada guulaha xidhiidhka premier League.

Arsenal ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu horeeyay ee ay ciyaartay sanadka cusub ee 2024.

Gunners ayaa sii wada cadaadiska ay ku hayso kooxaha hogaaminaya horyaalka premier League.

Kooxda MiKel Arteta ayaa ku socota wado ay mareen kooxo horay ugu guulaystay horyaalka premier League taariikhda tartanka.

Waxa horay u jirtay kaliya 3 kooxood oo dhamaan badiyay 7-da kulan ee ugu horeeyay sanadka cusub kuwaas oo ku guulaystay horyaalka.

Kooxaha Man United (2009), Liverpool (2020) Iyo Man City (2021) ayaa dhamaantood badiyay 7-dii kulan ee ugu horeeyay ee horyaalka sanadka cusub.

Sidaas darteed Arsenal ayaa haatan ku socota wadadaas iyada oo si xoogan ugu tartamaysa in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga