Fernandes Iyo Rashford Oo Man United Ku Hogaamiyay Guul Muhiim Ah.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanay galabta 2-0 dhibcaha kaga qaadatay Everton oo marti ugu ahayd Old Trafford.

Laba qalad oo lagu galay Alejandro Garnacho ayaa rikoodheyaal lagu siiyey Manchester United qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana goolal u beddelay Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford oo uu mid walba dhamaystiray toogashadiisa.

Everton oo ahayd koox isku dhax yaacsan oo la moodayey in aanay diyaar u ahayn kulankan, ayaa waxa ay ogolaatay in ay guusha waqti horeba u hannayso Man United oo iyaduna awoodi weyday inay goolal toos ah dhaliso, inkasta oo uu goolhaye Jordan Pickford ka badbaadiyey fursado badan.

Kooxda Man United ayaa ahayd kooxda ku fiican dhinac walba iyaga oo isku xidhnaa sidoo kale doonayay in ay ciyaarta dilaan.

Everton ayaa dhinaceeda heshayy fursado laakiin waxa ay aad ugu dhibataootay goolka hortiisa halka ay marar qaar Goolhaye Onana dhaafi waayeen.

Daqiiqadii 12-aad ayay Man United rikoodhe u badashay gool waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Ka hor dhamaadka qaybta hore gaar ahaan daqiiqadii 36-aad ayay Man United heshay rikoodhe kale waxana u istaagay xiddiga Marcus Rashford.

Rashford ayaa hubiyay in uu kubada shabaqa dhex-dhigo waxana uu kooxdiisa u dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United ka baxday laba guuldaro oo xidhidh ah horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga