Bruno Fernandes: Halkan Arin Ayaa Naga Go’an Kadib Guushii Everton.

Xiddiga kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa xaqiijiyay rabitaanka kooxdiisa ee ah in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Fernandes ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu dhaliyay gool kulankii ay Man United garaacday Everton kulan ka tirsnaa premier League.

Fernandes oo la hadlaya TNT Sport ayaa yidhi”Sida iska cad waanu ognahay in ay tahay in aan badino kulan kasta oo noo hadha, waanu ognahay booskeena horyaalka taasna naguma filna, waxaanu doonaynaa in aanu isku dayno in aanu gaarno boosaska u soo bixitaanka champions league”.

“Waan ogahay in ay adkaan doonto laakiin waa in aan badino kulamada noo hadhay”.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waa inaan badinaa kulan walba, ma aanan badin, Kulankii Fulham ma ahyn mid aan si fiican u ciyaarnay”.

“Ma aanan badin laba kulan oo xidhiidh ah way adkaan doontaa in aan soo qabano Aston Villa sababta oo ah si fiican ayay u ciyaaraysaa”.

“Tottenham runtii aad ayey u wanaagsan tahay way adagtahay in aan soo qabano laakiin waan sii wadi doonaan cadaadiska”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga