Halyeeygii hore ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa su’aal geliyay in goolhayaha kooxda ee Senne Lammens uu yahay xalka muddada dheer ee kooxda, inkastoo uu si wanaagsan ku bilowday waayihiisa Old Trafford.
Lammens oo 24 jir ah ayaa Manchester United ugu biiray xagaagii hore lacag dhan £21.7 milyan, isagoo kaga yimid Royal Antwerp, Tan iyo markii uu booska koowaad kala wareegay Altay Bayındır xilli ciyaareedkii hore, wuxuu noqday goolhayaha joogtada ah ee kooxda, waxaana guud ahaan taageerayaasha United ay amaan u jeediyeen qaab ciyaareedkiisa.
Si kastaba, Scholes ayaa sheegay in wali aan la hubin haddii Lammens uu gaari karo heerka goolhayeyaashii waaweynaa ee kooxaha Premier League ku guuleystay:- “Kooxdee ayaad aragtay oo Premier League ku guuleysatay iyadoo aan haysan goolhaye heer caalami ah?” ayuu Scholes ka yiri barnaamijka The Good, The Bad and The Football.
“Lammens waxaa laga yaabaa inuu sidaas yahay, laakiin ma aqaan, Waxaan u maleynayaa in wali go’aanka laga gaarin arrintaas. Kadibna waxaad ka dhiseysaa kooxda daafaca dambe,” ayuu raaciyay.
Scholes wuxuu tusaale u soo qaatay kooxihii waaweynaa ee Premier League, isagoo xusay Liverpool oo leh Alisson Becker, Arsenal oo leh David Raya, iyo Manchester United oo taariikh ahaan ku guuleysatay horyaalka iyadoo ay goolka ka dambeeyeen Peter Schmeichel iyo Edwin van der Sar, “Arsenal waxaad arkaysaa sida ay difaac ahaan u fiicnaayeen saddex ama afar sano ka hor, Waxaad u baahan tahay goolhaye heer sare ah,” ayuu yiri Scholes.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Lammens uu goolka ka ilaaliyay Manchester United kulankii derby-ga Manchester, balse uu ka daba dhacay kubbad uu dhaliyay Erling Haaland, Scholes ayaa sidoo kale tilmaamay in tababaraha United, Michael Carrick, laga yaabo inuu u baahan yahay dulqaad ilaa uu helo ama hubiyo goolhaye si dhab ah ugu filan inuu kooxda ka caawiyo tartanka horyaalka.
Dhanka kale, Lammens ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu Manchester United ku qaato ugu yaraan 10 sano, isla markaana uu doonayo inuu kooxda uga tago dhaxal la mid ah kuwii Schmeichel iyo Van der Sar, Goolhayaha reer Belgium ayaa xitaa ka hadlay ammaanta uu ka helay in lala barbar dhigo Schmeichel, isagoo sheegay inuu u baahan yahay inuu wax badan caddeeyo si uu u istaahilo in magaciisa lala xuso halyeeyga reer Denmark.
Be the first to comment