Xiddiga Paris Saint-Germain iyo xulka Spain, Fabián Ruiz, ayaa si kalsooni leh uga hadlay tartanka abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo sheegay in marka laga eego koobabka la qaaday, uusan jirin ciyaaryahan xilli ciyaareedkiisa ka wanaagsan soo qaatay.
Fabian Ruiz ayaa xilli ciyaareedkii hore la qaatay Spain Koobka Adduunka, halka heerka kooxaha uu Paris Saint-Germain kula guuleystay Ligue 1 iyo Champions League, taasoo ka dhigtay mid kamid ah ciyaartoyda ugu hadal haynta badan tartanka Ballon d’Or, Markii la weydiiyay halka uu iska arko tartanka, Ruiz ayaa marka hore si deggan uga jawaabay, isagoo sheegay in go’aanka ugu dambeeya uu gacanta ugu jiro dadka codeynaya.
Wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan isaga ay tahay inuu kooxda la joogo, isla markaana uu isku dayo inuu kamid noqdo ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, Ruiz wuxuu sidoo kale xusuustay inuu sanadkii hore kamid noqday musharraxiinta Ballon d’Or, isagoo galay kaalinta 24-aad, waxaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu sanadkan helo boos aad uga sarreeya.
Laakiin markii si toos ah loo weydiiyay haddii uu jiro ciyaaryahan xilli ciyaareed isaga ka wanaagsan soo qaatay, Ruiz ayaa jawaabtiisa si weyn u adkeeyay:- “Waxay ku xiran tahay cabbirka aad adeegsaneyso, Marka laga hadlayo koobabka, maya. Dhanka shaqsiga ah, waxaa jira ciyaartoy waaweyn oo xilli ciyaareed aad u wanaagsan qaatay, mana dafiri karo tayadooda.”
Ruiz ayaa sidoo kale sheegay in tartanka Ballon d’Or uu yahay mid ay ku jiraan ciyaartoy badan oo heer sare ah, isagoo xusay in xitaa in magaca qofka lagu daro liiska musharraxiinta ay tahay sharaf weyn iyo wax lagu farxo, Mid kamid ah waxyaabaha laga yaabo inay dood ka dhaliso ayaa ah dhaawacii jilibka ee Ruiz ku qasbay inuu garoomada ka maqnaado intii u dhaxaysay Janaayo iyo Abriil 2026. Hase yeeshee, ciyaaryahanka ayaa aaminsan in maqnaanshahaasi uusan saameyn weyn ku yeelan doonin go’aanka cod-bixiyeyaasha.
Ruiz wuxuu sheegay inuu garoomada ka maqnaa muddo saddex bilood ah, taasoo u baahneyd dadaal iyo naf-hurnimo badan, balse markii uu soo laabtay uu door muhiim ah ka qaatay waqtiyadii ugu muhiimsanaa ee xilli ciyaareedka, gaar ahaan kulamadii Champions League iyo waajibaadkii xulka Spain.
Ugu dambeyn, Fabian Ruiz wuxuu sheegay inuu nasiib u yeeshay inuu sii haysto kalsoonida tababarayaasha, isla markaana uu gacan ka geystay guulihii PSG iyo xulka Spain.
Be the first to comment