Gianni Infantino oo raalli-gelin bixiyay, balse Ma iscasilaa mise ?

Gianni Infantino oo raalli-gelin bixiyay, balse sheegay inuu sii ahaanayo Madaxweynaha FIFA
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa si rasmi ah u bixiyay raalli-gelin kadib murankii ka dhashay qorshe lagu doonayay in saamiyo laga iibiyo mashruuca Koobka Adduunka (World Cup) maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.

Infantino oo 56 jir ah ayaa qirtay in khaladaad waaweyn ay ka dhaceen sida loo maareeyay qorshahaas iyo habkii loo gudbiyay.
Warqad wadajir ah oo ay saxiixeen Infantino iyo Xoghayaha Guud ee FIFA, Mattias Grafstrom, ayaa lagu yiri: Waxay si daacad ah uga cudur-daarteen khaladaadka dhacay.

Waxay ballanqaadeen inaan mar dambe khaladaadkaas la celin doonin, waxay sidoo kale qirteen in khaladaad kale dhaceen markii xogta qorshahaasi ay warbaahinta u baxsatay.

FIFA ayaa shaacisay inay sameyn doonto baaritaan gudaha ah, waxaana natiijada loo gudbin doonaa Golaha FIFA (FIFA Council) kulanka soo socda.

Mas’uuliyiinta FIFA waxay sheegeen in qorshaha iibinta saamiyada uusan dhaqan geli karin ilaa ay ansixiyaan:
211-ka xiriir ee xubnaha ka ah FIFA.

Golaha FIFA.
FIFA waxay qiratay in ururrada xubnaha ka ah iyo xubnaha Golaha ay dareemeen in laga reebay go’aan qaadashada, taas oo ahayd qalad.
Hay’addu waxay sheegtay in qorshaha hadda si rasmi ah loo joojiyay, islamarkaana laga noqday.

FIFA waxay sidoo kale digniin adag u dirtay cid kasta oo faafisa xog qarsoodi ah, iyadoo sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu ilaalinayo sumcadeeda iyo nidaamkeeda maamulka.

Inkastoo ay raalli-gelin bixisay, FIFA waxay ku adkaysatay in dhammaan tallaabooyinkii ay qaadayeen ay waafaqsanaayeen xeerarka iyo nidaamka ururka.

Hoggaanka sare ee FIFA ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Rabat ee Morocco, halkaas oo ay si buuxda u muujiyeen taageeradooda Infantino.
Sidaas darteed, Gianni Infantino ma iscasilayo, wuxuuna sii ahaan doonaa Madaxweynaha FIFA.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga