Kulanti wanaagsan aqristayaasha Kooxda.com kusoo dhawaada barnaamijka Goos gooska suuqa maanta waxaa loogu hadal heyn badan xidigo dhowr ah hadaba makujira xidiga kooxdaada daneyneyso hoos ka aqriso:-
- Real Madrid ayaa heshiis la gaartay RB Leipzig oo ku kacaya ilaa 140 milyan oo euro (£120 milyan) si ay ula soo saxiixato Yan Diomande, garabka reer Ivory Coast ee 19 jirka ah, kadib wada-hadallo muddo dheer socday. (Xigasho: The Athletic).
- Liverpool ayaa baaraysa suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karto Ibrahim Mbaye, garabka 18 jirka ah ee u ciyaara Paris Saint-Germain iyo xulka Senegal. (Xigasho: The Times).
- Aston Villa ayaa heshiis la gaartay Atletico Madrid si ay ula soo wareegto daafaca bidix ee Talyaaniga Matteo Ruggeri, oo 24 jir ah. (Xigasho: Marca).
- Liverpool ayaa lala xiriirinayaa inay xiisaynayso daafaca Real Madrid, Raúl Asencio (23 jir), kadib markii ciyaaryahanka loo sheegay inuu xagaagan ka tagi karo kooxda reer Spain. (Xigasho: TeamTalk).
- Fulham ayaa ku dhow inay soo afjarto heshiiska khadka dhexe ee Southampton, Shea Charles (22 jir), iyadoo qiimaha lagu qiyaasayo £30 milyan. (Xigasho: TalkSPORT).
- Kooxda Turkiga ee Trabzonspor ayaa ka shaqaynaysa inay dib isugu keento weeraryahanka Darwin Núñez (27 jir), oo ka tirsan Al-Hilal, iyo saaxiibkiisii hore ee Liverpool Mohamed Salah (34 jir), si ay ugu wada ciyaaraan kooxda Turkiga. (Xigasho: Spor Depor).
- Aston Villa ayaa isu diyaarinaysa dalab cusub oo uga yimaada Arsenal oo ku saabsan daafaca England Ezri Konsa (28 jir), iyadoo isla markaasna doonaysa inay u cusboonaysiiso qandaraaskiisa si uu ugu sii nagaado Villa Park. (Xigasho: Daily Mail).
- Real Madrid ayaa diyaar u noqon karta inay iibiso labada khadka dhexe ee Faransiiska Aurélien Tchouaméni (26 jir) iyo Eduardo Camavinga (23 jir), si ay lacag ugu hesho saxiixa xiddiga Manchester City, Rodri (30 jir). (Xigasho: El Nacional).
- Hamburg ayaa xiisaynaysa inay dib ugu soo celiso horyaalka Bundesliga daafaca Belgian-ka ah ee Leeds United, Sebastiaan Bornauw (27 jir). (Xigasho: Hamburger Abendblatt)
Be the first to comment