DEG DEG PSG Oo Jawaab culus ka siisay Liverpool lawareegista Bradley Barcola, Wadahadallada oo..

Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa diiday dalabkii ugu horreeyay ee Liverpool oo gaarayay 100 milyan oo Yuuro si ay ula wareegto xiddiga garabka ka ciyaara ee Bradley Barcola, sida uu qoray wargeyska Faransiiska ee L’Équipe. PSG ayaa ku adkeysatay inaysan aqbali doonin wax ka yar 150 milyan oo Yuuro, oo ay ku jiraan gunnooyin iyo lacagaha dheeraadka ah, maadaama Barcola uu qandaraas kula jiro kooxda ilaa sannadka 2028.

Inkastoo Liverpool aysan diyaar u ahayn inay bixiso lacagta ay PSG dalbaneyso, haddana wada-hadallada labada kooxood ayaa weli socda. Reds ayaa hore ula gaartay Barcola heshiis ku saabsan shuruudihiisa shaqsiga ah, waxayna si weyn u dooneysaa inay xagaagan keento garabka reer France garoonka Anfield.

Dhanka kale, wakiilka Barcola ee Moussa Sissoko ayaa dadaal ugu jira sidii xal ay ku wada qanacsanaan lahaayeen labada dhinac loo heli lahaa, isagoo caan ku ah inuu maareeyo heshiisyada adag ilaa maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda sare ee Liverpool ay qorsheynayaan wada-hadallo cusub oo ay la yeeshaan guddoomiyaha PSG, Nasser Al-Khelaifi, iyadoo la rumeysan yahay in shirkadda Arctos, oo saamiyo yar ku leh labada kooxood, ay fududeyn karto wadahadallada.

Hadda, mustaqbalka Bradley Barcola wuxuu ku xiran yahay haddii Liverpool ay kordhiso dalabkeeda ama PSG ay hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso xiddiga reer France.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga