CADEYN BOOM:- Vinicius Jr. Oo Tallaabo Layaab Leh Qaaday, Mustaqbalkiisa Real Madrid Oo Mugdi Galay

Xiddiga reer Brazil Vinicius Jr. ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah xilli ay socdaan wada-hadallada heshiis kordhinta ee kala dhexeeya Real Madrid, taas oo sii xoojisay wararka la xiriira suurtagalnimada inuu ka tago kooxda.

Qandaraaska Vinicius ee Real Madrid wuxuu dhacayaa Juun 2027, mana jiro ilaa hadda heshiis cusub oo ay labada dhinac gaareen.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in Vinicius uu:

Ka tirtiray dhammaan sawirradiisii Instagram-ka, oo ay ku jirto sawirkiisii profile-ka.
Sidoo kale wuxuu ka saaray boggiisa Instagram qoraalkii muujinayay inuu yahay ciyaaryahan Real Madrid.

Tallaabooyinkan ayaa si weyn u kiciyay hadal-heynta taageerayaasha kubadda cagta, iyadoo dad badan ay u fasirteen inay calaamad u noqon karto khilaaf ka dhex jira wada-hadallada heshiiska cusub ama suuragalnimada inuu kooxda ka tago.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa xilli ciyaareedka cusub iyadoo uu hoggaaminayo tababaraha reer Portugal José Mourinho, kadib laba xilli ciyaareed oo kooxda ay ku guuldarreysatay inay wax koobab waaweyn ah ku guuleysato, isla markaana ay lumisay awooddii iyo shakhsiyaddii ay ku caan baxday kulamada waaweyn, gaar ahaan El Clásico-da ay la ciyaarto Barcelona.

Warar ay hore u baahisay Sky Sports ayaa sidoo kale tilmaamay in mustaqbalka Vinicius ee Real Madrid uu weli yahay mid aan la hubin, iyadoo wada-hadallada heshiis kordhinta aysan weli natiijo rasmi ah dhalin.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga