Barcelona ayaa sii wada dadaallada ay ku doonayso saxiixa Julian Alvarez, iyadoo xiddiga kooxda Lamine Yamal uu si dadban u muujiyay taageeradiisa heshiiska.
Lamine Yamal ayaa “like” saaray qoraal lagu baahiyay Instagram oo sheegayay in agaasimaha ciyaaraha Barcelona Deco, xoghayaha farsamada João Amaral, iyo wakiilka Julian Alvarez Fernando Hidalgo ay qorsheynayaan kulan lagu dardargelinayo heshiiska weeraryahanka reer Argentina.

Falcelinta Lamine ayaa si weyn u hadal haysay baraha bulshada, waxaana taageerayaasha Barcelona ay u arkeen calaamad muujinaysa inuu soo dhoweynayo imaanshaha Julian Alvarez.
Dhanka kale, wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Julian Alvarez uu doonayo inuu ku biiro Barcelona, isla markaana uu maamulka Atlético Madrid u sheegi doono rabitaankiisa.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Barcelona ay kordhin doonto dalabkeeda haddii Atlético Madrid aqbasho wadahadallo rasmi ah. Haddii kooxda Madrid ay diiddo wadaxaajoodka, Barcelona ayaa la filayaa inay ka baxdo heshiiska.
Julian Alvarez ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu si rasmi ah ugu sheego Atlético Madrid inuu doonayo Barcelona, balse uusan sameyn doonin wax shaqo-joojin ah ama muran maamulka kala dhexeeya, isagoo doonaya in arrintu ku dhammaato si xirfad iyo ixtiraam leh.
Be the first to comment