Xiddiga reer Argentina Lionel Messi ayaa sii wada inuu taariikh cusub ka sameeyo koobabka adduunka, kadib markii uu bar-bareeyay rikoodhkii uu haystay halyeeyga Germany Miroslav Klose ee ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Koobka Adduunka.
Kabtanka xulka Argentina ayaa Rikoodhkan gaaray kulankii ay la ciyaareen Algeria ee wareegga koowaad ee Groupyada Koobka Adduunka 2026, kaddib markii uu dhaliyay saddexley taas oo xulkiisa ku hoggaamisay guul 3-0 ah.
Messi ayaa sidaas ku gaadhay 16 gool oo uu ka dhaliyay tartanka Koobka Adduunka, isagoo bar-bareeyay rikoodhkii uu muddo dheer haystay halyeeyga Jarmalka Miroslav Klose. Labadooduba hadda waxay wadaagaan kaalinta koowaad ee liiska gooldhaliyeyaasha ugu badan taariikhda tartanka kubadda cagta ugu weyn dunida.
Rikoodhkan ayaa ah tallaabo kale oo muhiim ah oo ku soo korodhay safarka cajiibka ah ee hoggaamiyaha, Xulka Argentina kaas oo sii xoojinaya kaalintiisa inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta. Dad badan ayaana xitaa u arka inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican abid, maadaama uu mar kale ku daray rikoodh taariikhi ah liiskiisa rikoodhada shaqsiga iyo kuwa kooxeed.
Messi hadda waxa uu u baahan yahay hal gool oo keliya si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Koobka Adduunka, taas oo siinaysa fursad dahabi ah inuu jabiyo rikoodhka kulamada soo socda ee tartankan socda.
Sidoo kale, Lionel Messi waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee saddexley ka dhaliya kulan ka tirsan wareegga Groupyada ee Koobka Adduunka, isagoo jabiyay rikoodhkii hore ee uu haystay Cristiano Ronaldo, kaas oo saddexley ka dhaliyay Spain Koobkii Adduunka ee 2018.
Intaa waxaa dheer, halyeeyga Argentina ayaa sii xoojiyay rikoodhadiisa taariikhiga ah ee Koobka Adduunka, isagoo noqday ciyaaryahanka ugu badan ee ku guuleysta abaal-marinta “xiddiga ugu fiican ciyaarta”, kadib markii uu helay markii 12-aad intii uu ciyaarayay tartanka.
Be the first to comment