Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United, Casemiro, ayaa habeenkii Isniinta sameeyay taariikh cusub kadib guushii 2–1 ee ay kooxdiisu kaga gaartay Brentford ee Premier League.
Laba gool oo ay kala dhaliyeen Casemiro iyo Benjamin Sesko ayaa siiyay Red Devils saddexda dhibcood kulankii ka dhacay Old Trafford.
Guushan ayaa ka dhigan in Manchester United ay weli ku jirto kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka, iyadoo leh 61 dhibcood 34 kulan kadib.
Si kastaba, Casemiro ayaa kulankaas sameeyay 11 takal (tackles), wuxuu ku guuleystay 16 loollan (duels), wuxuuna sameeyay 9 nadiifin (clearances).
Sida uu sheegay OptaJoe, tirooyinkan ayaa ka dhigaya ciyaaryahanka reer Brazil kan kaliya ee 20-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay sameeya dhammaan tiradan hal kulan oo Premier League ah.
Casemiro ayaa ku biiray Manchester United sanadkii 2022 isagoo ka yimid Real Madrid, waxaana la filayaa in ciyaaryahanka 34 jirka ah uu ka tago kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment