SuperComputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

SuperComputer-ka Opta ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan doonto koobka UEFA Champions League sanadkan.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxaa la siiyay fursad dhan 37% inay markii ugu horreysay taariikhdooda ku qaadaan koobkan.

Gunners-ka ayaa wajihi doona Atletico Madrid lugta koowaad ee semi-final-ka habeenka Arbacada.

Waxay fursad ka sarreysa leeyihiin Bayern Munich oo leh 36% sida ay sheegtay Opta.

Bayern, oo horey loogu xaqiijiyay inay ku guuleysatay Bundesliga, ayaa u safri doonta Paris Saint-Germain lugta koowaad ee semi-final-kooda.

Paris Saint-Germain iyo Atletico Madrid ayaa la siiyay fursado dhan 19% iyo 8% siday u kala horreeyaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga