Bruno Fernandes Oo Bar-Bareeryay Rikoodh Uu Ronaldo Dhigay Kadib Guushii Man United Ee Brenftord.

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa Isniintii barbareeyay rikoor muhiim ah oo uu hore u dhigay Cristiano Ronaldo, kaas oo la xiriira wadarta ka-qaybgalka goolasha ee Red Devils ee Premier League.

Fernandes ayaa gaadhay guushan kadib markii uu caawin (assist) u sameeyay Benjamin Sesko kulankii ay la ciyaareen Brentford.

Waxaa xusid mudan in Man United ay 2–1 ku garaacday kooxda martida ahayd Old Trafford, iyadoo goolasha ay dhaliyeen Casemiro iyo Sesko.

Sida uu sheegay OptaJoe, caawinta uu Fernandes sameeyay waxay ka dhigan tahay inuu gaaray 140 ka-qaybgal goolal ah Premier League (70 gool iyo 70 caawin), taasoo la mid ah tiradii Ronaldo ee 140 ka-qaybgal (103 gool iyo 37 caawin).

Fernandes ayaa ku gaaray heerkan 226 kulan oo uu u saftay United, taasoo ka dhigaysa inuu 11 kulan ka dhaqso badan yahay saaxiibkiis reer Portugal.

Ciyaaryahanka 31 jirka ah ayaa ku biiray Manchester United sanadkii 2020 isagoo ka yimid Sporting CP.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga