Bayern Munich Mise Liverpool? Kooxda Uu Xabi Alonso Oo Dooran Doono Oo La Ogaaday.

Xabi Alonso ayaa Bayern Munich ka dooran doona Liverpool hadii uu go’aansado in uu isaga tago Bayer Leverkusen sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany.

Kooxda Merseysiders ayaa u muuqata in ay u aqoonsatay xiddigoodii hore ee khadka dhexe in uu yahay dooqa 1-aad ee badalka Jurgen Klopp xagaaga.

Alonso, oo 42 jir ah, ayaan weli xaqiijin inuu ka tagayo Leverkusen, kaasoo hadda u muuqda inuu ku guuleysan doono horyaalkoodii ugu horreeyay ee Bundesliga.

Waqtigan xaadirka ah, ku guuleystaha Champions League iyo Koobka Adduunka wuxuu diiradda saarayaa soo afjarida awoodda gudaha ee Bavarian.

Si kastaba ha ahaatee, ilo Jarmal ah ayaa fahamsan inuu doorbidayo inuu ku biiro Bayern haddii uu ka tago Bay Arena dhamaadka xilli ciyaareedkna.

Sky Germany ayaa sheegay in Bayern ay haatan “rajo fiican” ka qabto in ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uu u wareego Allianz Arena, laakiin weli ma aysan gelin wax wada xaajood ah.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in Alonso ay u badan tahay inuu Bayern ka dooran doono Liverpool hadii uu ka tago Leverkusen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga