Muxuu Gareth Southgate Ka Yidhi Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Tababaraha xulka qaranka Englkand Gareth Southgate ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Man United.

Gareth Southgate Ayaa lagu soo waramayaa in uu noqday dookha 1-aad ee Man United si ay ugu badalaan Erik Ten Hag dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ten Hag ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa Man United kadib markii ay kooxdu si weyn u dhibaatootay xilli ciyaareedkan.

Gareth Southgate: “xiriirka Man United?Waxay leeyihiin Tababare, aad ayay Ixtiraam daro u noqonaysaa in aan arintaas ka hadlo”.

“Waxaan ahay Macalinka xulka England, Waxa aan leeyahay hal shaqo oo ah in aan xulka ku hogamaiyo horyaalnimada yurub”.

“Ma jirto wax aan sheego”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga