Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Shaqaynaya Sidii Uu Antonio Conte Tababare Ugu Noqon Lahaa Ac Milan.

Sida laga soo xigtay La Repubblica, Zlatan Ibrahimovic waxa uu u arkaa Antonio Conte inuu yahay bedelka ugu habboon ee Stefano Pioli, waxaana uu door muhiim ah ku yeelan doonaa wadahadallada tababarihii hore ee Juventus iyo Inter.

Qandaraaska Pioli ee Milan wuxuu dhacayaa 2025 laakiin ilo badan oo Talyaani ah ayaa sheegaya inaysan u badnayn in tababaraha Parma ku dhashay uu sii ahaan doono tababaraha Rossoneri xilli ciyaareedka soo socda.

Conte ayaa ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Ac Milan wararka ayaana sheegaya in tababarihii hore ee Inter iyo Juventus yahay midka ugu haboon ee badali kara Pioli.

Agaasimaha cusub Ibrahimovic ayaa la sheegay inuu taageere weyn u yahay Conte, waxaana uu xiriir wanaagsan la leeyahay tababaraha ku guuleystay Seri A xitaa haddii aysan taasi la micno ahayn 54-jirka ayaa hubaal ah inuu bedeli doono Pioli xilli ciyaareedka soo socda.

Mushaarkiisa qaaliga ah iyo dalabaadka suuqa kala iibsiga iyo sidoo kale diidmadiisa inuu arko mid u dhexeeya Mike Maignan, Theo Hernandez iyo Rafael Leao oo laga yaabo inay baxaan bisha June, ayaa la sheegay inay caqabad ku yihiin wada xaajoodyada, xitaa haddii Conte uu si xoogan u doonayo inuu ku laabto Serie A. Ka dib markii uu ka tagay Tottenham.

Sida warbixinta lagu sheegay, Thiago Motta, Raffaele Palladino, Roberto De Zerbi iyo xitaa Jurgen Klopp ayay Milan u tixgelin doontaa haddii Conte uu diido inuu u saxiixo Rossoneri.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga