Arsenal Mise Liverpool? Dimitar Berbatov Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Dhexmari Doona Labada Kooxood Axada.

Halyeeyga kooxda Man United ee Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona horyaalka premier League kana dhici doona Emirates.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa isha ku haya in ay badiyaan iyada oo koox kasta dhinaceeda u doonaysa in ay hesho 3-da dhibcood.

Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in uu kulanku noqon doono mid xiiso leh isla markaas labada kooxood ku heshiin doonaan dhibcaha.

“Waa Ciyaarta ugu weyn ee usbuuca, si weyn ayay u saamayn kartaa tartanka horyaalka”ayuu Berbatov ku bilaabay hadalkiisa.

“Liverpool ayaa Arsenal muddo aan fogayn kaga badisay Emirates kulan ka tirsanaa FA Cup-ka laakiin labada kooxba way ii siman yihiin indhahayga”.

“Waa inay noqotaa ciyaar aad u fiican, waxaanan saadaalinayaa bar-baro 2/2 ah ku kala baxay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga