Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Dhaawac Ku Seegi Kara Kulanka Arsenal

Liverpool ayaa war xun heshay ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Arsenal Axada.

Hogaamiyayaasha ayaa booqan doona kooxda ku jirta kaalinta 3-aad ee Arsenal kulan saamayn ku yeelan doona tartanka horyaalka.

Kooxda Klopp ayaa 5 dhibcood ka horaysa kooxda Mikel Arteta horyaalka premier League.

Laakiin Klopp ayaa shaaciyay dhaawac xun oo soo gaadhay kooxdiisa ka hor kulanka Gunners.

Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Darwin Nunez uu ka tagay Anfield Arbacadii isagoo kabo difaac ah xidhan sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay taas oo shaki galinaysa ka qayb qaadashadiisa kulanka.

“Sheeko yar oo dhinac ah, oo aad u badan tahay inaadan garanayn: Ma garanayo in Darwin uu diyaar u noqon doono kulanka Arsenal”ayuu Klopp yidhi.

“Sabab la xidhiidha in uu qof ku istaagay lugtiisa waxa uu dareemay xanuun ciyaarta kadib”.

“Waxa uu garoonka ka tagay isaga oo xidhan kabaha difaaca lugta waxan aan sugi doonaa xaaladiisa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga