Xulka Switzerland Oo Guul Ay U Qalmeen Ka Gaadhay Xulka Hungary Tartanka Euro 2024.

Xulka Switzerland ayaa guul ku bilowday tartanka Euro 2024 kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka.

Ciyaaryahan Kwadwo Doah ayaa daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay xulka Switzerland.

Ciyaaryahan Michael Aebscher ayaa daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay xulka Switzerland.

Xulka qaranka Hungary ayaa daqiiqadii 66-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Barnabas Varga.

Ciyaaryahan Embolo ayaa daqiiqadii 93-aad ee ciyaarta u dhaliyay xulka Switzerland goolka 3-aad ee ay ciyaarta u dileen.

Xulka Switzerland ayaa sidaas ku helay 3-da dhibcood ee ciyaarta waxana ay dhibco noqdeen xulka Germany.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga