
Wayne Rooney ayaa magacaabay seddexda xul ee ugu cad-cad ku guulaysiga Euro 2024.
Tartanka Euro 2024 ayaa bilaabmay xalay iyada oo xulka Germany guul weyn ku bilowday tartanka.
Rooney ayaa xulalka France, Portugal Iyo England u arka kuwa ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka sanadkan.
“Aniga ahaan, seddex xul ee ugu cad-cad tartanka Euro 2024 waa France, Portugal… iyo England”ayuu Rooney u sheegay The Times.
3-da Xul ee uu Rooney Magacaabay 2 ka mid ah ayaa horay ugu guulaystay koobka Euro-da kuwaas oo kala ah Portugal Iyo France.
Laakiin xulka England ayaan waligiis ku guulaysan tartanka Euro-da waxana ay raadinayaan koobkoodii ugu horeeyay tartanka.
Be the first to comment