Xulka qaranka Jarmalka ayaa guul weyn oo 7-1 ah ka gaaray xulka Curaçao kulan ka dhacay garoonka NRG Stadium, kaas oo ka tirsanaa wareegga koowaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026.
Jarmalka ayaa hoggaanka qabtay daqiiqaddii 6-aad markii uu gool dhaliyay Felix Nmecha, halka Curaçao ay barbaraha keentay daqiiqaddii 21-aad iyadoo uu goolka u saxiixay Leandro Bacuna.
Daqiiqaddii 38-aad, Nico Schlotterbeck ayaa dhaliyay goolka labaad ee Jarmalka, halka Kai Havertz uu rigoore u beddelay goolka saddexaad daqiiqaddii 45+5, taasoo qaybtii hore lagu soo gabagabeeyay 3-1 oo ay Jarmalku ku hoggaaminayeen.
Qaybtii labaad, Jamal Musiala ayaa dhaliyay goolka afraad daqiiqaddii 47-aad, halka Nathaniel Brown uu keenay goolka shanaad daqiiqaddii 68-aad. Deniz Undav ayaa dhaliyay goolka lixaad daqiiqaddii 78-aad, waxaana Kai Havertz uu dhammeystiray bandhigga goolasha isagoo dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii toddobaad ee Jarmalka daqiiqaddii 89-aad.
Guushan ayaa siisay xulka Jarmalka saddexdoodii dhibcood ee ugu horreeyay tartanka, halka Curaçao ay weli ku sii hartay dhibco la’aan.
Be the first to comment