PSG Oo Xasuuqday Barcelona Iskana Xaadirisay Semi-Final-ka Champions League & Dortmund Oo Garaacday Atletico Madrid.

Kooxda PSG ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Barcelona kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Barcelona ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo PSG ku qaadayay weeraro aan caadi ahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Daqiiqadii 12-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Kooxda PSG ayaa daqiiqadii 40-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin kulankuna xiiso ku yeeshay.

Qaybta dambe ayay PSG si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta dhinaca kale ugu rogaan.

Daqiiqadii 54-aad ayay PSG dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vitinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisa PSG ku hogaaminayso ciyaarta.

PSG ayaa daqiqiadii 61-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe oo rikoodge u badalay gool loo dhigay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Xiddiga Mbappe ayaa daqiiqadii 88-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa kadib khalad ay galeen daafaca Barcelona waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay PSG 6/4 ugu gudubtay wareega Semi-final-ka tartanka champions League kadib natiijooyinka labada kulan.

Dhinaca kale kooxda Borussia Dortmund ayaa garaacday Atletico Madrid waxana ay ku badisay 4/2 halka ay guud ahaan ku badisay 5/4 natiijooyinka labada kulan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga