XASAASI: Man United Oo Khasaaraysa 10 Milyan Oo Euro, Sabab.

Manchester United ayaa waayi doonta adduun dhan 10 milyan oo euro haddii ay ku guul darreysato inay u soo baxdo Champions League sababtoo ah qodob ku jira qandaraaska qaaliga ah ee ay kula jirto shirkadda Adidas.

Red Devils ayaa laga yaabaa inay ku dhacday waqtiyo adag garoonka dhexdiisa sanadihii ugu dambeeyay laakiin heshiisyadooda dhaqaale ayaa ahaa mid aan lumin.

Waxaa la shaaciyay sanadkii hore in ay kordhiyeen heshiiskii ay kula jiraan shirkada Adidas Kaas oo ku kacaya 90 milyan oo euro una dhiganta 10 milyan sanad kasta.

Iyadoo heshiiskaasi uu muhiim yahay, haddana waxaa soo baxday in lacagaha qaar ay ku xiran yihiin guusha garoonka oo ay ku jirto u soo bixista champions league.

Warbixinta maaliyadeed ee kooxda ee qeybta sanadka ayaa lagu xaqiijiyay in United lumin doonto 10 milyan oo euro sanad walba hadii ay ku guuldareystaan ​​inay u soo baxaan tartanka ugu sareeya ee Yurub sida ku cad heshiiska ay la galeen Adidas.

Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta 6-aad ee Kala saraynta waxana ay 6 dhibcood ka dambaysaa kooxda ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier Legaue.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga