Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska Faransiiska ee L’Équipe kaga hadlay sida uu ula tacaalo cadaadiska caannimada, xanta iyo sheekooyinka been-abuurka ah ee laga sameeyo noloshiisa. Yamal ayaa sheegay in inkastoo ciyaaryahanku haysto lacag iyo magac, haddana uusan si buuxda u heli karin xorriyadda uu doonayo, maadaama uu mar walba ka fikirayo tababarka iyo ciyaaraha maalinta xigta, isla markaana uu u baahan yahay inuu jirkiisa ilaaliyo oo si fiican u nasto.
Si kastaba, Yamal wuxuu sheegay inuu aad u jecel yahay inuu nolol caadi ah ku noolaado, gaar ahaan inuu waqti la qaato qoyskiisa iyo saaxiibbadiis. Wuxuu xusay in markii uu yaraa uu si weyn ula yaabi jiray sababta mar walba looga sameeyo warar iyo muran aan sal iyo raad lahayn, xitaa marka uusan waxba sameyn. Laakiin markii dambe ayuu fahmay in dadka qaarkood ay abuuraan sheekooyin aan dhicin si ay u helaan wax ay ka hadlaan.
Yamal wuxuu sheegay in hadda uusan si weyn uga welwelin xanta, balse uu si deggan ula dhaqmo, isagoo muhiimad siinaya in hooyadiis ay ogaato marka war laga faafiyo inuu yahay been. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ciyaaryahanku uu barto sida uu isaga fogeyn karo buuqa iyo cadaadiska ku hareeraysan, gaar ahaan marka uu ciyaar xun sameeyo ama ay warbaahintu si weyn uga hadasho.
Xiddiga Barcelona ayaa aaminsan in kubadda cagta ay leedahay faa’iido ah in dadku si dhaqso ah u illoobaan wixii dhacay maalintii hore, maadaama 24 saacadood kadib ay inta badan diiradda saaraan waxa hadda socda. Sidaas darteed, wuxuu sheegay inuu isku dayo inuu diiraddiisa ku koobo tababarka, kubadda cagta iyo inuu si joogto ah u horumariyo qaab ciyaareedkiisa.
Dhanka kale, Yamal wuxuu muujiyay kalsooni iyo ruux tartan oo sare, isagoo sheegay inuu mar walba aaminsan yahay inuu guuleysan karo, xitaa marka ay xaaladdu si cad u muujinayso inuu khasaarayo. Wuxuu tusaale u soo qaatay haddii uu barkad kula tartami lahaa halyeeyga dabaasha Michael Phelps, inuu xitaa markaas oran lahaa: “Waan kaa adkaanayaa.” Hadalkaas ayaa muujinaya sida uu Yamal u leeyahay kalsooni iyo maskax tartan oo xooggan, taas oo uu doonayo inuu sidoo kale ku muujiyo gudaha garoonka.
Be the first to comment