Real Madrid oo bayaan kulul kasoo saartay Javier Tebas, dalbatayna in xilka laga qaado

Kooxda Real Madrid ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo si adag loogu jawaabayo Javier Tebas, Madaxweynaha LaLiga, kadib hadallo uu ka sheegay kooxda iyo dhacdooyinkii ka dhashay kulankii derby-ga Madrid ee ay Real Madrid la ciyaartay Atlético Madrid, Kulanka oo dhacay Axaddii ayaa waxaa hareeyay muran ku saabsan garsoorka, iyadoo Real Madrid ay si cad uga hadashay qaabkii loo maamulay ciyaarta, iyadoo sidoo kale tababaraha kooxda uu arrinta kaga hadlay shirkii jaraa’id ee ciyaarta kadib.

Tebas ayaa isaguna sheegay in Real Madrid aysan kulanka ugu khasaarin garsoorka, isagoo sidoo kale dhaliilay habka ay kooxda uga cabanayso arrimaha garsoorka, Real Madrid ayaa bayaankeeda ku sheegtay in aysan aqbali karin in Madaxweynaha LaLiga uu xilkiisa u adeegsado weerarro soo noqnoqda oo ka dhan ah kooxda.

Kooxdu waxay sheegtay inay walaac weyn ka qabto in qofka mas’uulka ka ah matalaadda iyo ilaalinta danaha dhammaan kooxaha horyaalka uu si joogto ah Real Madrid ugu jeediyo weerarro hadal ah, Real Madrid ayaa sidoo kale dhaliishay hadalkii ugu dambeeyay ee Tebas, iyadoo sheegtay inuu si aan habboonayn uga hadlay istaraatiijiyadda ciyaareed ee kooxda, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid aan mas’uuliyad lahayn.

Real Madrid waxay bayaankeeda ku adkeysatay in Madaxweynaha LaLiga uusan ahayn milkiilaha horyaalka, balse uu yahay mas’uul ay kooxuhu u igmadeen maamulka tartanka, Kooxdu waxay sheegtay in horyaalka Spain uu u baahan yahay hoggaan awood u leh inuu maareeyo tartanka, kobciyo sumcaddiisa, isla markaana ilaaliya mabda’a dhexdhexaadnimada.

Real Madrid ayaa sidoo kale ku dooday in weerarrada joogtada ah ee lagu hayo kooxda ay dhaawacayaan sumcadda LaLiga iyo kubadda cagta Spain ee caalamka.

Dhamaadka bayaanka, Real Madrid waxay sheegtay in kubadda cagta Spain ay u baahan tahay hoggaan cusub oo fahamsan waajibaadka Madaxweynaha LaLiga, isla markaana si daacadnimo iyo dhexdhexaadnimo ah ugu adeega dhammaan kooxaha tartanka, Khilaafka u dhexeeya Real Madrid iyo Javier Tebas ayaa sidaas darteed mar kale soo cusboonaaday, iyadoo labada dhinac ay isku maandhaafsan yihiin arrimo la xiriira maamulka LaLiga, garsoorka iyo sida kooxda Real Madrid looga hadlo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga